Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Shabakad dadka ku cabsi galin jirtay Baraha Bulshada oo Gacanta Lagu dhigay.

Talaado-30-jan- 2024-{HMC}  Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta shaacisay iney gacanta kusoo dhigtay koox ay sheegtay in dadka shacabka ah ku cabsi galin jirtay baraha Bulshada ee Internetka.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in xayiraad la saaray Group-yo lambaro gaaraya 2,500, islamarkaana laga mamnuucay gabi ahaan iney isticmaalaan adeega ku hadalka OTT ee WhtasApp iyo wixii la mid ah.

 

NISA ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in Group-yadaan ay ahayeen kuwa baad looga qaadan jiray ganacsatada Soonaaliyeed oo ay lahayeen kooxda Al-shabaab.

 

“Xafiiska amniga Internet-ka ee hay’adda NISA ayaa soo afjaray ku dhawaad 20 koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen Khawaarijta kuwaasi oo ay u isticmaali jireen cabsi galinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

 

Hay’adda NISA ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay iney xubin ka noqdaan Group-yo, Channels ama Pages ay leeyihiin kooxda Al-shabaab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA