Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Somaliland oo u jawaabtay Ilhaan Cumar oo ka hadashay heshiiskii is-afgarad ee badda

Talaado-30-jan- 2024-{HMC}  Xukumadda jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa u jawaabtay hadal ay dhawaan jeedisay xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiilada Mareykanka, lagana soo doorto gobolka Minnesota.

Ilhaan ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cali Xassan Maxamed, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter ku sheegay, in aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Ilhaan colaad iyo nacayb ka dhex abuurto Soomaalida.

Waxaa uu ku eedeeyay inay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Laascaanood isla markaana ay nacayb iyo kala qeybsanaan ka dhex abuurtay Soomaalida, waa sida uu hadalka u dhigayee wasiirka.

Waxaa uu qoraalkiisa intaa raaciyay in la joogo waqtigii Ilhaan lagula xisaabtami lahaa khaladaadka ay gashay.

Ilhaan Cumar oo hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri:

“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA