Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Cumar Cabdirashiid oo ku baaqay in loo diyaargaroobo dagaal ka dhan ah Itoobiya.

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Wareysi uu siiyay Warbaahinta gaarka loo leeyahay “Hanoolaato” ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay u diyaargaroobaan dagaal lagu difaacayo dalka.

Mr Cumar Cabdirashiid Sharmaake ayaa sheegay in aan la dhayalsan karin damaca Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaarihii hore oo sifeeyay shaqsiyadda Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay nin ay wax walba ka suurtoobaan, isaga oo yiri:

“Abiy Axmed waxa uu ka shaqeynayaa kala qeybinta Soomaaliya, waxaan qabaa in aan la dhayalsan karin waayo wax badan ayuu ku dhiiran karaa sida in uu dagaal bilaabo.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale soo jeediyay in aan la aqbalin codsigii Abiy Axmed ee ahaa in madaxda IGAD ay ku kulmaan shir looga hadlayo rabitaankiisa ah in uu helo qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA