Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

HirShabeelle oo shaacisay cidda ka dambeysa dagaal beeleedka kasoo cusbonaaday xadka labada gobol

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka HirShabelle Cabdi Daahir Guure Karoore oo u warramay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Karoore ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dagaalkaas oo u dhexeeyo beelaha Abgaal iyo Xawaadle ay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay kooxda inay isku direyso labada beelood, isla markaana ay hurineyso dagaalkooda, si ay uga dhex faa’iideysato.

Ujeedkooda waxa uu tilmaamay inuu yahay inay isaga yareeyaan culayska hadda saaraan, maadaama looga adkaaday deegaanada maamulka HirShabelle.
“Nimankii Shabaabka ee laga adkaaday ayaa sameynaya inay beelaha isku diraan, si culeyska la soo saaray ay isaga yareeyaan, waxayna ku mashquulsan yihiin in dadkii ay ka dhex adeegtaan, ayna isu jiheeyaan, si dagaalka ayaga ku wajahan uu gaabis u galo.” ayuu yiri Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka hortegi doonaan qorshaha Al-Shabaab, isla-markaana ay fahamsan yihiin danaha ka ay leedahay hurinta colaaddaasi.

“Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle, labaduba faham fiican ayay ka qabaan, Insha’Allah waana ka hortagaynaa, dhammaanteenana waan ka wada shaqeynaynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Karoore.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in haatan ay wadaan dadaallo dheeraad ah oo lagu heshiisiinayo beelaha ku dagaalamayo deegaanka Iji oo dhaca xadka labada gobol, si xal waara loogu helo dagaal beeleedyada kusoo noq-noqday deegaanadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana sidoo kale lagu guuleystay in xabad joojin deg-deg ah la kala dhex dhigo maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA