Wednesday, May 1, 2024
spot_imgspot_img

Imran Khan & Marwadiisa oo lagu xukumay 14 sano oo Xabsi ah

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan & Marwadiisa Bushra Bibi ayaa lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu eedeeyay kiisas kala duwan oo ugu dambayn xukunkaas loo cuksaday sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Khan waxaa shalay oo Talaado ahayd lagu eedeeyay in uu bannaanka soo dhigay siraha qaranka halka maanta oo Arbaco ah lagu xukumay 14ka sano waxa ay taasi keentay hadal-hayn badan oo ka imaanaysa gudaha & Dibadda.

Imran Khan ayaa dhammaan kiisaska loo cuksaday ku sifeeyay kuwo aanay waxba ka jirin isla markaana dano siyaasadeed oo gaar ah laga leeyahay si loo magac dilo loogana reebo doorashada 2024 sidaas loo samaynayo.

Arrinta Ciyaaryahankii ee Ciyaaraha Kirikitka waa Imran Khan waxa ay saamayn taban ku reebtay dhinaca Amniga ee Dalka Pakistan waayo waxaa dibadbaxyo rabshada wata dhigay taageerayaashiisa oo ay isku dhaceen ciidamada Booliiska.

Aafada ku dhacday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan waxa ay kusoo billaabatay sanadkii 2022kii kaddib markii Mucaaradku ay sheegeen in xilka ay ka tuureen waxaana xigay in la xiray halka markale uu ka badbaaday isku day lagu dili rabay

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30-04-2024}

Talaado-30-April -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sulub ‘Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan’

Talaado-30-April -2024 {HMC} Taliye Sulub 'Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/hFgg5FipZqM

WARARKA