Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo soo dhaweeyey shirka uu Ku Baaqay Saciid Deni

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweeyey shirka uu gogoshiisa dhigay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo dhawaan dib loo doortay, shirkaas waxaa muuqata in siyaasiyiinta mucaaradka ah ay aad u daneynayaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirkaan uu ku soo aaday waqtigii loogu baahida badnaa, isagoo soo tiriyey caqabadaha Soomaaliya heysta ee mudan in looga tashado shirka Garowe gogoshiisa la dhigay.

“Waxaan soo dhawaynayaa gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni xilligaan uu dalku waajahaayo xaalado culus oo ay ugu muhiimsanyihiin; amniga, arrimaha dastuurka, qaab dhismeedka doowladnimada, midnimada iyo madax bannaanida oo u baahan wada tashi iyo wada shaqeyn,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan rajaynaynaa in gogoshaas qabsoomi doonto, madaxda ka soo qayb gashana ka soo saari doonto go’aanno dhaxal gal ah oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay sheegay in dowladda federaalka ay aqbashay ka soo qeybgalka shirkaas, isla markaana ay madaxweyne Xasan Sheekh ka sugayaan go’aanka goorta la qabanayo shirka.

Saacadihii lasoo dhaafay siyaasiyiin badan ayaa soo saaray muujiyeen sida ay shirkaas u daneynayaan, waxayna badankood soo jeediyeen qodobada mudan in shirkaas lagu gorfeeyo.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ah siyaasiyiinta taageeray in Garowe la isugu tago, si looga tashado aayaha Soomaaliya, isagoo ka warbixiyey arimo ay uga wada hadleen kulankii ugu dambeeyey isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

“Kulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado,” ayuu yiri Farmaajo.

Qoraalka Farmaajo ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.”

Farmaajo oo farriin u diray labada gole ee DF ayaa yiri, “Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in inta uu shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.”

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey “Ma jirto xilli uu dalkeennu uga baahi badan yahay in aynu u midowno ka hortagga xasillooni darro gudaha ka timaadda iyo sidii aynu dadkeenna iyo dalkeenna uga difaaci lahayn khatarta dibadeed ee aynu wajahayno, meelna la iska dhigo tallaabooyinka kala qaybsanaanta siyaasadeed u horseedaya dalka.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA