Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo sanadkii hore iibiyay hubkii ugu badnaa

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Hubka uu Mareykanka iibiyay sanadkii tagay ayaa aad u kordhay kaas oo gaaray ilaa $238 bilyan. Dagaalka Ruushka ee Ukraine ayaana lagu sheegay in ay tahay tan ugu weyn ee keentay in uu kordho.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in hubka la iibiyay uu ka badan yahay 56% kii la iibiyay sanadkii 2022-kii.

Dalka dariska la ah Ukraine ee Poland oo hadda balaarinaya awoodooda militari ayaa ka mid ah dalalka hubka badan ka iibsaday Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha Poland, Donald Tusk, ayaa ballanqaaday in uu sii wadayo barnaamijka dowladii hore ee ahaa casriyeenta kaas oo ujeedkiisu yahay in dalka uu noqdo kan ugu awoodda badan Yurub.

Jarmalka waxay ku iibsadeen $8.5 bilyan diyaaradaha nuuca qumaatiga u kaca ee Chinook, Bulgaria gawaarida gaashaaman ayey ku iibsatay $1.5, halka Norway ay hub ku iibsatay 1 bilyan oo doolar.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA