Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koofur Afrika

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Allaha u naxariistee Muwaadinkan Soomaaliyeed ee maanta lagu dilay Magaalada Cape-town ee wadanka Koonfur Afrika ayaa ahaa nin dhalinyaro ah waxaana lagu magacaabi jirey Maxamed Maxamuud Diiriye (Caafi).

Kooxo hubeysan oo burcad koonfur afrikaan ah ayaa toogtay xili uu watay gaari nuuca Dukaamada ay ku soo adeegtaan ah sida dad goob joogayaal ahi sheegeen.

Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta lagu dilay marxuumka halkaasoo ay baaritaano ka sameeyeen inkastoo aysan jirin cid loo soo xiray dilkaas oo qeyb ka ah dilal boqolaal soomaali ah sanadihii la soo dhaafay loogu geystay dalkaas.

Maxamed Caafi ayaa asal ahaan ka soo jeeda Magaalada Muqdisha gaar ahaan Degmada Kaaraan oo reerkiisu degan yihiin waxana uu dalkaas u tagay si uu ugu shaqeysto madaama wadankiisa ay colaado iyo shaqo la aan ragaadisay.

Allaha u naxariistee Maxamed Caafi ayaa qorsheynayay  in uu dhawaan Soomaaliya ku soo laabto sida ay sheegeen eheladiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA