Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Saraakiil AS ka tirsan oo lagu dilay weerarka cirka ah

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC}  Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, NISA, ayaa baahisay magacyada lix sarkaal oo ay sheegtay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab oo Axaddii lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay galbeedka Gobolka Hiiraan.

Ragga ay magacyadooda ay baahisay NISA ayaa waxa ka mid ah kuwa ka shaqayn jiray ururinta canshuuraha Al-Shabaab ee gobollada dhexe ee Soomaaliya. Waxaana ka mid ah Cismaan Cali Cabdi Caanooy oo ahaa madaxii canshuuraha degmada Jalalaqsi, Buulle Kabey oo ahaa madaxii gaadiidka ee Shabeellaha Dhexe, Maxamed Abuukar oo isna ahaa madaxii canshuuraha deegaanka Ceel-Cali iyo saddex xubnood oo kale

Weerarka ayaa dhacay xilli habeen ahaa markaas oo labo gaari oo ay wateen Al-shabaab lagu dhuftay labo gantaal oo laga soo riday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn sida ay u sheegeen BBC-da dadka deegaanka.

Al-shabaab weli kama hadal weerarka oo ka mid ahaa weeraro isxigxigay oo dhawaan lagu qaaday Al-shabaab oo ka kala dhacay Galhareeri, Buq-aqable iyo meelo kale

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA