Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wajigii labaad ee dhimista Howlgalka ATMIS oo la soo gabagabeeyay

 

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC}  Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyeen sagaal saldhig oo ciidan, taasoo ka dhigan in la soo gaba gabeeyay wajigii labaad ee dhimista ciidanka ATMIS.

Todobo ka mid ah sagaalka saldhig ee ciidamada ATMIS ayaa Isniintii lagu wareejiyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho sida lagu yiri warsaxaafadeedka ATMIS.

“Tirada 3,000 oo askari iyo wareejinta 7-da xarumood ee ciidamada oo lagu soo gabagabeynayo Biyo Cadale, Raaga Ceel, Baarlamaanka, Aqalka Madaxtooyada, Qorillow, iyo Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo waxay calaamad u tahay marxaladda kala guurka ah ee amniga Soomaaliya,”ayaa lagu yiri warka ATMIS.

Alhaji Sarjoh Bah, oo ah agaasimaha maareynta khilaafaadka arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga ee guddiga Midowga Afrika oo ka hadlay munaasabadda Muqdisho, ayaa sheegay in dhimistaasi ay calaamad weyn u tahay hiigsiga wanaagsan ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay muujiyeen geesinimo iyo adkeysi ay ku wiiqayaan Al Shabaab, taasoo qeyb ka ah joogtaynta horumarka laamaha ammaanka.

“Dadaalladayada wadajirka ah ayaa noo suurtageliyay inaan si habsami leh u fulino dhimista 2,000 oo askari sannadkii hore iyo, bishan 3,000 oo askari oo ATMIS ah, iyada oo aan ku wareejinayno toddobo saldhig oo muhiim ah ayuu yiri Bah.

Wuxuu xusay in isbadalka habsamida leh uu ku yimid dadaal xoogan oo ay sameeyeen guddiga seddex geesoodka ah ee Atmis, dowladda Soomaaliya iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Midowga Afrika ay si isku mid ah u taageersan yihiin hirgelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya oo ay Soomaaliya hormuud ka tahay, kaas oo dhowaan lagu ansixiyay magaalada New York.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA