Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliska Soomaaliya oo Ka Hadlay Dadka Ka Bixi la” Dhulkii Dabdamiska

Khamiis-01- Feb – 2024-{HMC} – Taliska booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saaray xaaladda guud ee dalka, iyadoo warbixintaan lagu dul-istaagay shaqaaqooyinkii dhacay toddobaadkaan, halka uu marayo murankii dhulka dabdemiska ee dadka lagu dilay iyo arrimo kale.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dadka degan dhulka Dabdemiska ee Isbitaalka Banaadir u dhow loo qabtay labo toddobaad, isla markaana uu hadda dhamaaday kala bar waqtigaas.

Maalmo ka hor dadka degan dhulkaas waxaa loo diray ciidamada Haramcad, si ay u barakiciyaan, balse waxay xaaladu xumaatay markii ay ciidamadu dileen nin askari ah oo waardiye ka ahaa Ceelbiyood ku dhex-yaalla xaafadda.

Dadka degan dhulkaas oo u badan beesha Sacad ee Habargidir ayaa ku adkeystay in ninka dhintay uu gacantiisa ku dilay Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad oo lagu magacaabo Cabdixamiid Fanax.

Dilka marxuumkaas kadib, ciidamadii Haramcad waxay ku laabteen xaruntooda, waxaana banaanka xarunta Haramcad, Isbitaalada Madiina, Banaadir ilaa Seybiyaano is qabsaday banaanbaxyo ay dhigayeen qoysaska lagu war-geliyey inay dhulkii Dabdemiska baneeyaan, sidoo kale ninka la dilay uu ka dhashay.

Arrinta dhulkaas ayaa adkaatay, waxaana ku soo baxay xildhibaanada baarlamaanka ku metela Habargidir, kuwaas oo balan qaaday inay dadkaan cabanaya xuquuqdooda u raadi doonaan.

Afhayeenka booliska ayaa galabta shirkiisa jaraa’id ku shaaciyey in laga wadahadlay shaqaaqooyinkii dhacay, isla markaana lagu heshiiyey in dadka degan dhulkaas ay ku guuraan muddo labo toddobaad ah, iyadoo uu hadda dhamaaday hal toddobaad, sida uu sheegay.

“Dadka daggan Dhulka Dab-damiska ee Booliska Laba Isbuuc ayaa loogu daray inay ku guuraan hal Isbuuc ayaana u dhamaaday, waxaan mar kale si sharaf leh uga codsaneynaa inay waqtiga ilaaliyaan, maadaama hey’addii dhulkaas laheyd ay diyaar u tahay inay ku shaqeyso oo la wareegto,” ayuu yiri Gaashaanle Sadiiq Doodishe.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sii faahfaahiyey xaaladaha kale ee dalka, gaar ahaan dhanka ammaanka, isagoo sheegay in ciidamada booliska oo kaashanaya daraawiishta dowlad goboleedyada ay Muqdisho iyo gobollada dlaka ka wadaan howlgallo joogto ah oo amni xaqiijin ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA