Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faah-faahino dheeraad ah oo Kasoo Baxaya Xaruntii kaydka hubka AS oo la burburiyay

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC}  – Warar dheeraad ah aya kasoo baxaya howlgallo dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidamada hay’adda NISA iyo saaxibada caalamiga ah, kaas oo ka dhacay gobolka Galgaduud, laguna beegsaday xarun ay lahayd Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in si gaar ah loogu qaaday deegaannada kala ah Jacar iyo Garab la’ oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka koowaad hasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, laguna burburiyay kaydkoodii hubka ee Galgaduud.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in mid kamid ah duqeymaha maanta lala beegsaday garaash ay baabuur u taallay kooxda, kuwaas oo dhammaan la burburiyay

“Howlgalka koowaad oo sidii loo qorsheeyay u dhacay ayaa waxaa lagu burburiyey Xarun keyd hub u ahayd Khawaarijta halka midka labaad lagu beegsaday Garaash cadowga ay u yaaleen gadiid tiro badan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana socota tirakoobka khasaaraha rasmiga ah ee kooxda kasoo gaaray weerarkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallo culus iyo duqeymo ay ka socdeen gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo lagu beegsanayo Al-Shabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA