spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka Degmada Halgan oo War Kasoo saaray Wararka sheegayo Bixitaanka Ciidamada Itoobiya.

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} –  Gudoomiyaha Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Maxamed Nuur ayaa ka hadlay Warar Saacadahii lasoo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafiyay kuwaas oo ku saabsanaa in Ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Degmadaasi.
Gudoomiyaha oo Wareeysi Siiyay Hiiraanweyn ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo itoobiyaan ah oo ka baxayo Degmada Halgan, lakiin waxaa uu sheegay in qaar kamid ah guryo ay ka dhax daganaayeen Magaalada ay ka baxeeyn shalay , markii dadkii iska lahaa ay dalbadeeyn in looga baxo.
Gudoomiye Yuusuf ayaa ugu baaqay Bulshada in ay is dajiyaan oo ay ka shaqeeyaan Nabada Magaalada Halgan, Ciidamada Itoobiya ayuu sheegay in Dowlada Soomaliya iyo Howlgalka Midowga Africa ay dajiyeen Halgan, wax si fudud ku bixi karane aysan aheeyn.

WARARKA