Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo wacad ku maray inuu ka jawaabi doono weerar looga dilay saddex askari.

Khamiis – 01-Feb – 2024-{HMC} – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadi shalay ku eedeysay malleeshiyo ku sugan Ciraq oo ay taageerto Iran, in ay ka danbeeyaan weerar loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah, oo ku sugnaa saldhig Mareykanka uu ku leeyahay xadka Urdun iyo Suuriya.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby, ayaa sheegay in Mareykanku rumeysanyahay, in weerarkaasi ay qorsheysay, fududeysay isla markaana gacan ku laheyd qalabka lagu fuliyay Kooxda Iska-caabinta Islaamiga ee ku sugan Ciraq.

Kooxahan oo ku mideysan hal dallad ayaa waxaa ku jira garabka Kataib Xizbullah, sida ay sheegtay Dowladda Mareykanka. Afhayeenka Guddiga Amniga Qaranka, ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu rumeysanyahay in weerarkaasi looga jawaabo qaab ku habboon.

Wuxuu sheegay, in madaxweyne Biden uu ka fiirsanayo ikhtiyaarrada uu heysto si uu jawaab uga baxsho weerarka lagu dilay askarta Mareykanka ee ku sugnaa dalka Urdun.

Dhanka kale, Iran ayaa ku hanjabtay in ay jawaab adag ka bixi doonto weerar kasta oo uu uga yimaada Mareykanka, kaddib marki ay Washington ku eedeysay Tehran weerarki Axaxddii.

Ilaa 40 ka mid ah askarta Mareykanka ayaa sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay. Kuwa la dilay iyo dhaawaca ah ayaa ku sugnaa saldhig qarsoodi ah oo uu Mareykanka ka sameystay jihada waqooyibari ee Urdun meel aad ugu dhaw xadka Suuriya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA