Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay wali u shaqaynayaan bogagga AS kadib markii dawladdu sheegtay in ay tirtirtay dhamaantooda?

Khamiis-01- Feb – 2024-{HMC} – Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 20 Mareegood ama Website-yo ay sheegtay in ay ka xidhay kooxda AS.

Website-yada NISA ay soo bandhigtay ayaa ahaa kuwii ugu waa weynaa oo ay kooxda Al-shabaab ku faafin jirtay wararkeeda.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan al Cadaala, ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook ku soo qaray, “in gabi ahaanba uusan jirin maanta bog ay leeyihiin al Shababa oo shaqaynaya”.

Balse saacado uun ka dib markii ay dawladdu ku dhawaaqday xirista mareegahaas, ayaa waxa ay al Shabaab isticmaalayaan webiste yo cusub oo wata isla magacyadii ay dawladdu sheegtay in ay xirtay.

Waxay u muuqataa in ay halkaan ka socoto ciyaar ila meereyso ah oo ka dhaxaysa labada dhan.

Hadaba xagee wax iska qaban la’ yihiin?

Sida uu sheegay wasiir kuxigeenka wasaradda warfaafinta dawladda fedaraalka ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, dawladdu waxay Alshabaab kula jirtaa “dagaal aan kala hadh lahayn. Mid ka mid ah dagaalkaasna waa in la joojiyo dacaayadaha iyo been abuurka ay dadka Soomaaliyeed ku marrin habaabiyaan ama ku cabsi geliyan ama ay maskaxdooda ku qaldaan,” ayuu yiri wasiir al-Cadaala.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in dawladdu ay qiyaastii sannad iyo bar ka hor bilowday “hawlgalka lagu burburinayo joogitaankooda [Al Shabaab] baraha bulshada iyo guud ahaan aaladaha warbaahineed ee ay isticmaalaan” wuxuuna sheegay in tani ay hawlgalkaas ka mid ahayd.

Mar la waydiiye wasiirka sida ay ugu suurta gashay in ay mareegaha iyo barahan bulshada ay ka xiraan dalal kale oo ka baxsan Soomaaliya ayaa wuxuu yiri: “Dabcan aduunka waxaa ka jira sharci iyo nidaam la isla yaqaano oo dawladaha caalamku ay ku wada shaqeeyaan oo ay ku wada xiriiraan”.

Wuxuu intaa kusii daray in hay’adaha dawladda Soomaaliyta ay mareen dariiqyada dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah “ee loogu tala galay in lagu joojiyo argagixisanimada”.

Waxaan hor dhignay wasiirka sababta ay wali u sii shaqaynayaan website cusub oo ay leeyihiin al Shabaab iyada oo saacado ka hor ay dawladdu sheegtay in ay hawada ka bixiyeen guud ahaan bogagii ay lahaayeen al Shabaab.

“waxaa muhiim ahayd in nidaamka lagu joojinayo la dhamaystiro uuna shaqeeyo lana tijaabiyo waana shaaqeeyay waana la dhamaystiray, dad xirfadleyaal ah ayaa u xilsaaran”,

Sidee bay dawladuhu u xayiraan bogagga internet ka?

Weli waxaa shaqaynaya bogag ay internet ka ku leeyihiin al Shabaab, waxaana laga yaabaa in ay furtaan kuwa kale marka laga xiro bogagga baraha bulshada iyo mareegaha internet-ka ee ay haatan ku adeeganayaan. Haddaba farsamo ahaan sidey dawladi u xakamayn kartaa ama u joojin kartaa mareegaha iyo baraha bulshada ee bartilmaameedka u ah?

Su’aashan waxaa weydiinay khabiir ku takhasusay arrimaha amniga internet-ka iyo teknoolajida oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

“Marka hore aan kala qaadno baraha bulshada iyo mareegaha kale. Baraha Bulshada sida Facebook, twitter Tiktok iyo wixii la mid ah waxaa iska leh shirkado shisheeye oo leh sharciyo u gaar ah isla markaana waafaqa xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dalalka laga leeyahay” ayuu yiri khabiirku.

Saas darteed Waxa uu sheegay khabiirku marka ay dawladdu doonayso in ay xirto bog baro bulsheed ah, in ay ku qasban tahay in ay xiriir la samayso shirkadda iska leh bartaas bulsho kuna qanciso in boggaas uu mudan yahay in la joojiyo.

“Shirkadaha baraha bulshada ayaa waxaa u yaala siyaasad iyo nidaam ay wax kaga qaban karaan bogagga lala xiriiriyo argagixisada iyo kooxaha kale ee dambiilayaasha ah, taas oo haddi ay wax ka qaban waayaan lagu dacweyn karo …dhamaantoodna waxay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan maxaa yeelay horay ayey u dhacday in akoonno badan laga xiro kooxo noocaas oo kale ah” ayuu yiri khabiirku.

Si la mid ah, shirkadaha keydiya xogta mareegaha internet-ka ayaa iyaguna leh sharciyo ay kaga hor tagaan akoonada ay ku qancaan in ay yihiin kuwa argagixiso ama cid kale oo mudan in laga xiro, saas darteed dawladdu shirkadahaas ayey soo ogaataa kadibna xiriir la samaysaa.

Balse waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan oo wasiir Al cadaala iyo khabiirkuba isku raaceen in lacagaha khidmada ee mareegaha loo adeegsado kaarar bangi taas oo wasiirku sheegay in ay noqon karto si dhib oo looga hortago mareegahaas.

Dawladaha horu maray sida uu khabiirku sheegay waxay leeyihiin hal mee loo laga xakameeyo guud ahaan internet-ka taas oo u fududeynaysain laga war hayo tilaabana laga qaado bogagga iyo mareegaha noocaas oo kale ah, hase yeeshee wuxuu khabiirku shaki ka muujiyey in dawladda Soomaaliya ay haysato nidaamka noocaas ah ee hormarsan.

Balse sida muuqata wali waxaa shaqaynaya bogag ay leedahay kooxda la Shabaab, guud ahaan talaabooyinkaasina waxay u muuqdaan kuwa aan ku guuleysan xakameynta internet ee al Shabaab.

XIGASHO BBC SOMALI

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA