Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Tahay Caqabada Ka Jirta Xabsiga Dhexe ee Muqdisho?

Khamiis-01- Feb – 2024-{HMC} – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xabsi la’aan heysto Soomaaliya, isla markaana la weysan yahay meel lagu xiro, dambiilayaasha, askarta qaladaadka gasha iyo xubnaha argagixisada ah ee nolosha lagu qabto.

Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar uu buuxsamay, iyadoo ay ku xiran yihiin dad ka badan 1,600 oo qof.

Sida caadiga ah wuxuu sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar loogu tala galay in lagu xiro 800 oo qof, balse hadda tiradaas la u jibaarkeed lagu xiray, isla markaana ay weli taagan tahay baahida xabsiyada.

“Xabsiga Dhexe ee Xamar wuxuu noqday xabsiga Soomaaliya oo dhan, deegaanadii la xoreeyey iyo kuwii xorta ahaa isaga ayaa xabsi u wada ah, waa in deg deg xabsiyo waaweyn loo helaa, si loo xakameeyo dembiyada dhacaya,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalin kasta la sii daayo dad aan dhameysan xabsiyadii ay ku xukunaayeen, si kuwo kale loogu xiro qolalkii ay ku xiraayeen, taas oo sida uu sheegay dembiyada dalka ka dhacaya sii kordhineysa.

“Duruuf weyn oo dhanka xabsiyada ah ayaa dalka ka jirta hey’adaha amniga, maamulka gobolka iyo dhamaan inta ay quseyso waa inay deg deg uga howlgalaan arrintaan, maalin kasta waxaa la daayaa dad loo waayey meel lagu xiro, aad ayey muhiim noogu tahay arrintaas,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay xakameynta hubka lagu dhexsito caasimadda Muqdisho, kaas oo inta badan keena isku dhacyo, “Saraakiisha xukunta ciidamada banaanka ka jooga magaalada ee fasaxa ku soo gala magaalada waa inay xakameeyaan hubka,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu digniin u diray ciidamada u xil saaran sugidda amniga caasimadda, isagoo ku amray in aysan ku xadgudbin askarta safarka ah iyo dadka kale ee amnigooda ay sugayaan.

“Qof iska socda oo askari ah oo hebel aad u taqaano, hadii uu qalad kaa galana aad dacwey karto inaad xabad ku furto oo isagiina disho shacabkana leyso mid laguu xilsaartay maaha, iska ilaali fadlan,” ayuu yiri guddoomiye Shuute.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA