Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey tahay Sababta Loogu Dukan Waayay Mayd la geeyay Masjid ku yaalla Muqdisho?

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa sababta keentay mayd laga celiyay isaga oo aan lagu tukan masjid ku yaalla deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedkaMuqdisho, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.

Sheekh Nuur Cali Jaamac oo kamid ah culimada masjidkaas oo lagu magacaabo Waalidayn ayaa ka hadlay sababta loogu dukan waayay marxuumka ee dib looga celiyay masaajidka.

Ugu horreyn Sheekha ayaa sheegay in masjidka Waalidayn uu yahay masjid weyn, isla markaana ay aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad wada islaam ah, sidaas daraadeedna aysan iyagu dadka weydiin in qofka la keenay uu yahay islaam ama gaal, sida uu sheegay Sheekhu.

“Masjidka Waalidayn waa masjid wayn oo ku yaalla Tabeelaha iyo Ex-Koontarool Afgooye inta u dhexeysa Janaaso aa la keenay annaga waxaan idin sheegeynaa dadka Soomaaliyeed dad Muslimiin ah ayaan ka aaminsanahay qofka maydka ah oo la keeno masjidka ma dhahno ma muslimaa ma gaalaa dhammaan asalkooda waa dadka Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah, qof isaga ka baxay Islaamka isaga ayay u taallaaa” ayuu yiri Sheekh Nuur Cali Jaamac.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Saas daraadeed waxaa dhacda in Masjid Waalidayn maalintii 10 Janaaso in lagula tukado, maalin aan Janaaso lagula tukan ma jirto”.

Sheekh Nuur Cali Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrinta shalay ka dhacday masaajidka ee keentay in dib looga celiyo mayd loo keenay in lagu tukado Janaaso.

Sheekha ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii wax ka waday marxuumka ay sheegeen in uusan dukan jirin salaadda, kadibna culimada ay kasii xaqiijiyeen wiil uu dhalay marxuumka, sidaasna loogu dukan waayay maydka la geeyay masjidka Waalidayn.

“Dadkii maydka la socday qaar kamid ah ayaa soo hormaray markaas ayay culimada u sheegeen mayd ayaan wadnaa waana taariku salaad, hadii aad ku tukaneynsaa idinka ayay idin taallaa waa dadkii la socday ee ogow” ayuu khudbadiisa ku yiri Sheekh Nuur Cali Jaamac.

Waxaa kale oo uu yiri “Markii la caddeeyay ayay Culimadu yiraahdeen qof isaga oo nool oo caafimaad qaba salaadda diiday marka uu dhinto kuma qabsi doono, kuna tukan meyno ee naga qaada, waana sidaas qofkii isaga yiraahdo anigu taariku salaad ayaan wadaa ma ku tukaneyno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Sheekh Nuur Cali Jaamac.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA