Wednesday, July 24, 2024
spot_imgspot_img

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Itoobiya oo xabsiga loo taxaabay

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} Dr. Dessalen Chane, oo ah mudane ka tirsan aqalka wakiilada ee u matala ururka Axmaarada (ABN) ayaa waxaa xabsiga u taxaabay ciidamada amaanka dowlada sida ay sheegeen qoyskiisa.

Xariga ayaa dhacay Arbacadii Janaayo 22, 2016, taarikhda Itoobiya iyadoo afar ka mid ah ciidamada nabadsugidda hubeysan ay ku lug lahaayeen, kuwaasoo labo ka mid ah ay xirnaayeen dareeska ciidamada booliska dowladda federaalka.

Dr. Dessalen Chane ayaa caan ku ah dhaleecayn xooggan iyo fikrado oo ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed xilliyada uu socdo shirarka Aqalka Hoose. Waxaa xusid mudan in uu ka maqnaa kulamadii u dambeeyay ee baarlamaanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal u dhaxeeyo AS iyo Ciidamada Dowladda oo ka dhacay Koofur Galbeed

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Dagaal u dhaxeeyo AS iyo Ciidamada Dowladda oo ka dhacay Koofur Galbeed HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA}Ciyaar Cusub oo Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida ah.

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Ciyaar Cusub oo Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida ah. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

WARARKA