Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Maxee yihiin Labo arrimood ee fashilin kara gogosha siyaasadeed oo Puntland u dhigtay Madaxda Soomaaliya?

Jimco-02-Feb- 2024-{HMC} Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 30-kii Janaayo, 2024 waxa uu ku dhawaaqay shirwayne ay Puntland marti-gelin doonta kaas oo ajadahiisu yahay xaalada qalafsan ee waqti-xaadirkan ku jirto
Soomaaliya.

Mr Deni oo kasoo muuqdey muuqaal uu faafiyay xafiiskiisa warfaafinta ayaa hoosta ka xariiqay in gogoshan siyaasadeed ay kasoo baxdey kulamadii hareer-socdey munaasabada caleema-saarkiisa ee Garowe ka qabsoontay 25-kii bishii hore

 

Isla hadal-jeedintiisa ayuu Deni ku caddeeyay in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday qabsoomida iyo ka qeybgalka madashaas oo waqtigeeda aanan wali la muddeyn balse lagu balamay in si degdeg ah loo qabto.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, Saalax Jaamac, ayuu ka dhawaajiyay in loo xil-saarey diyaarinta ajandaha shirka wallow uusan la wadaagin dadweynaha. Tani waxay dhalisay dood ku saabsan doorka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in ajendaha ugu weyn ee gogosha Garowe uu noqon karo dooda ka taagan wax ka badalka dastuurka oo ay hoos-imaanayaan hanaanka awood-qeybsiga iyo haylkalka dowladnimadda Soomaaliya.

Labo arrimood oo fashilin kara gogosha Inkasta oo illaa haatan dhinacyadda ay rajo wanaagsan muujinayaan, haddana falanqeeyeyaasha waxa ay soo bandhigayaan saddex qodob oo haddii darafyadda qaadaan dhabaha u xaari karta inuu dhicisoobo is-araggan.

Iyadda oo wali ay kamid tahay qodobada muranka uu ka taagan yahay, haddii hogaanka dowladda federaalka ku adkeysto in is-araggan uu ku koobnaado Madasha Wadatashiga Qaranka, waxay horseedi karo in shirka fashilmo kahor qabsoomidiisa.

Madaxwayne Xasan Sheekh  ayaa la xaqiijiyay in uu aqbalay in uu aqbalay ka qeybgalkan kulankaas lagu qabanaayo Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Wallow ifafaaladeeda aysan muuqan, balse haddii Madaxtooyadda Soomaaliya ay kusii socoto qorshaheeda meelmarinta habraaca dib-u-eegista Dastuurka, waxaa loo badinayaa in ay xoojin karo sii kala fogaanshiyaha.

Siyaasiyiinta lagu waddo in ay ka qeybgalaan shirweynahan ayaa waxa ay qaar kood ka so horjeedeen  habraaca ay ansixiyeen Labada Gole ee baarlamaanka federaalka.

 

Habraaca ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in uu dhawaan saxiixo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA