Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faah-faahino Dheeraad ah oo Kasoo Baxaya Qarax ka dhacay magaalada Nairobi

Jimco-02-Feb- 2024-{HMC} – Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya dab xoog leh oo ka dhashay qarax uu sababay gaaska cunnada lagu karsado oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, ayada oo illaa hadda la xaqiijiyay dhaawaca ilaa 300 oo qof, sida Bisha Cas ee Kenya ay ku soo warrameyso.

Sidoo kale waxaa jirta dhimasho ka dhalatay qaraxaan, oo illaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Afhayeenka xukuumadda ayaa wuxuu sheegay in gaas la saarayey gaari kuwa xamuulka ah uu ka dhashay qaraxa, ayada oo dab xoog leh uu cirka isku shareeray.

Howl-wadeenada gargaarka iyo dab-damiska ayaa illaa saaka waaberigii la tacaalayey sidii ay u bakhtiin lahaayeen dabkaas oo xalay saqdii dhexe ka billowday xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi.

Wixii kasoo kordha ee faah-faahin ah kala soco wararkayaga dambe Insha Allah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA