Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

UNICEF oo walaac ka muujisay tiraddan sii kordheysa maalinba marka kasii dambeysa.

Jimco-02-Feb- 2024-{HMC} Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in illaa 17,000 oo caruur ah oo ku nool Gaza ay yihiin kuwa aan lala socon ama laga soocay qoysaskooda intii ay socdeen dagaalada.

In ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo barokacay ayaa ka baqaya weerar cusub oo ay soo qaadaan militariga Israel ka dib markii wasiirka difaaca Israel uu ballan qaaday in uu weerarayo Rafah, oo ah aag mar lagu tilmaamay “aag nabdoon”.

Geesta kale, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa dhankiisa waxa uu shaaca ka dhigay in dadka Gaza ku dhaqan ay ku nool yihiin “xaalad aan la qiyaasi karin”.

Osama Hamdan, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo ku sugan Beyruut, ayaa cod dheer waxa uu ku caddeeyay in hindisaha wajiyada badan leh ee mas’uuliyiinta Masar, Israel, Qatar iyo Maraykanka ay toddobaadkan soo saareenay tahay mid aan la aqbali karin, “sababtoo ah kuma jiraan xabbad-joojin joogto ah”.

Dhanka kale, Boqolaal ka mid ah saraakiisha Yurub iyo Mareykanka ayaa qalinka ku duugay warqad ay u direen dowladooda oo ay ku cambaareynayaan dagaalka Israel ee Gaza oo uu ku tilmaameen “mid ka mid ah masiibooyinka bani’aadamka ee ugu xun qarnigan”.

 

Tani ayaa waxa ay dharbaaxo ku tahay taageerada qaar kamid ah wadamada reer galbeedka ay u muujiyeen Yahuuda kadib markii ay xoojisay xasuuqa ay ka geysaneyso dhulka Falastiin.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA