Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Iran oo dhisanaysa afar wershedood oo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka

Jimco-02- Feb – 2024-{HMC} –  Iran ayaa bilawday dhismaha afar wershedood oo kale oo ku shaqeeya tamarta Nukliyeerka, kuwaas oo ay ka dhisayso dhinaca Koonfureed ee dalkaasi. Wershedahan ayaa la filayaan inay soo saaraan tamar gaadhaysa illaa 5,000 oo megawatt, sida ay baahisay wakaaladda wararka dalka Iran ee IRNA.

Iran ayaa doonaysa inay soo saarto tamarta nukliyeerka oo gaadhaysa illaa 20,000 oo megawatts marka la gaadho sannadka 2041.

Iran ayaa haatan leh hal wershed oo ku shaqaysa tamarta nukliyeerka, taas oo soo saarta illaa 1,000 megawatt, waxaana wersheddani ay shaqada bilawday sannadkii 2011, ka dib markii ay taageero ka heleen dalka Ruushka.

Iran ayaa sidoo kale wershed weyn oo ku shaqaysa tamarta nukliyeerka, ka dhisaysa, gobolka saliida qaniga ku ah ee Khuzestan ee u dhow xuduudda ay la wadaagaan dalka Ciraaq. Wersheddan ayaa la filayaa inay soo saarto tamaar gaadhaysa illaa 300 megawatt.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta hubka nukliyeerka ayaa sannadkii hore sheegtay in Iran ay horumar ka samaysay, inay soo saari karto hub nukliyeer ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA