Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

llhaan Cumar oo weerarro afka ah kala kulantay khikaafka badda Soomaaliya iyo Itoobiya

Jimco-02-Feb- 2024-{HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Koongarayska Maraykanka, ayaa la kulantay mowjado weeraro dhanka afka ah, kuwaas oo ka dhashay markii ay dhawaan ka hadashay khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Masuuliyiin hore oo Maraykan ah oo uu kamid yahay Barasaabkii hore ee gobolka Florida, ninka lagu magacaabo Ronald Dion DeSantis ayaa dalbaday in Ilhaan Cumar laga ceyriyo dalka Maraykanka.

DeSantis wuxuu kasoo jeedaa xisbiga Jamhuuriga oo ay siyaasadda dalkaas ku legdamaan kan Dimuqraadiga oo ay Ilhaan Cumar ka tirsan tahay.

Hadallo ay horey meelo fagaare ah uga jeedisay Ilhan Cumar , ayaa sidoo kale lasoo turjumay isla markaana qayb ka noqday hubka loo adeegsanayo iyada.

Ilhaan Cumar ayaa waxaa ka mid ah hadallada lagu haysto mid ay sheegayso in Maraykanku uu sameynayo “waxa aan anagu dhahno oo kaliya” sida ay ku dhex tiri khudbada.

“Soomaaliya waa gurigeenna, Soomaaliya wadnaheenna ayey ku nooshahay, maalin kasta ayaan ka fikirnaa Soomaaliya”. ayay tiri.

Hadalladan ayey dadka iyada dhaliila u arkaan kuwo muujinaya in aysan Maraykanka daacad u ahayn taas badalkeedana ay Soomaaliya daacad u tahay.

Tom Emmer waa siyaasi kale oo ka tirsan baarlamaanka Maraykanka ahna Guddoomiyaha Aqlabiyadda Aqalka Wakiilada ee Maraykanka, wuxuu sheegay hadalka Ilhaan inuu yahay dharbaaxo wejiga kaga dhacday dadka reer Minnesota ee loo doortay in ay u adeegto, iyo sidoo kale dhaartii xafiiskeeda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA