Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maraykanka oo doonaya inuu Qunsuliyad ka furto Afghanistan, isaga oo aan aqoonsan xukuumadda Taliban

Jimco-02- Feb – 2024-{HMC} –  Maraykanka ayaa si taxader leh uga fekeraya, inuu qunsuliyad ka furto dalka Afghanistan, isaga oo aan wax aqoonsi ah u fidinin xukuumadda Taliban ee dalkaas maamusha, sida ku cad warbixin istaraatejiyadeed oo ay baahisay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku.

Tallaabadan uu qaadayo Maraykanku ayaa u muuqata, isbedel weyn oo ku yimi siyaasaddii Maraykanka ee ku wajahnayd ururka Taliban, iyada oo haatan uu Maraykanku ka fikirayo inuu maamulkaas kula macaamilo, siyaasad xadidan, oo looga danleeyahay lagu gaadho arrimo dhinaca amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha la xidhiidha.

Warbixintan oo loogu magacdaray, istareetejiyadda isku dhafan ee dalka Afghanistan, oo la meelmariyey bishii October ee sannadkii hore, ayaa dhigaysa, in Maraykanku uu doonayo inuu qunsuliyad ka furto dalka Afghanistan, iyada oo lagu sheegay qoraalkaas, in taageero loo muujinayo shaqada ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan, dadka la afduubo ama kuwa la xidho, si uu fursad ugu helo in la soo daayo muwaadiniin Maraykan ah oo si caddaalad darro ah dalkaas ugu xidhan.

Markii ay meesha ka baxday xukuumaddii Afghanistan, bishii August ee sannadkii 2021, waxaa Maraykanku uugebi ahaanba xidhay, safaaraddii ay ku lahaayeen Kabul, taasoo calaamad u ahayd, dhammaadka labaatan sano oo dalkaas uu ka socday dagaal daba dheeraaday iyo weliba iskaashi dhinaca siyaasadda ah oo Maraykanku la ahaa xukuumaddii Afghanistan.

Tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyey, waxaa Maraykanku adeegsanayey, inuu hawlaha dalka Afghanistan ka wado safaaraddiisa ku taalla dalka Qatar, halkaas oo Maraykanku uu kulamo googoos ah kula yeeshay ururka Taliban.

Warbixintan la sii daayey ayaa lagu sheegay, inaanu Maraykanku illaa haatan aqoonsanayn xukuumadda Taliban, inay tahay, dawladda sharciga ah ee ka jirta Afghanistan, haddana waxaa Maraykanku doonayaa inuu xukuumaddaas la jeeyo xidhiidho xadidan, si loo gaadho ayaa la yidhi, danaha Maraykanka iyo sidii loo fahmi lahaa in xukuumadda Taliban ay u diyaarsan tahay ama ay awood u leedhay inay fulin karto ballamaha lala galo.

Istareetejiyadda cusub ayaa laga leeyahay illaa afar ujeedo oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin, la dagaalanka argagixisada, taakulaynta dhaqaale, xidhiidhka bulshada Afghanistan iyo in adeegyo qunsuliyadeed loo fidiyo muwaadiniinta Maraykanka eek u nool gudaha Afghanistan ama in laga caawino muwaadiniinta dalkaas ee doonaya inay Maraykanka u soo haajiraan.

Istaraatejiyadda Maraykanka ayaa lagu sheegay, in weli Maraykanku sii wadi doono inuu u hadlo xuquuqda dadka Afghanistan, gaar ahaan haweenka iyo hablaha.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa ku adkaysanaya in xidhiidh diblomaasiyadeed oo lala yeesho Taliban, isla markaana cunaqabatanada laga qaado madaxda Taliban, inay ku xidhnaan doonto inay dib uga laabtaan siyaasadaha cadaadiska ku dhisan iyo inay sameeyaan xukuumad wadaag ah oo ay iska dhex aragto bulshada dalkaasi

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA