spot_imgspot_imgspot_img

Maraykanka oo jawaab ka bixinaya weeraradii lagu laayey askartiisa ee ka dhacay Urdun

Jimco-02- Feb – 2024-{HMC} –  Ciidamada Maraykanka ayaa isu diyaarinaya inay ka jawaabaan weerarada joogtada ah ee lagu qaaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan bariga dhexe, kuwaas oo ay geysteen kooxaha gacan-saarka la leh dalka Iran.

Kooxahan ayaa weerarkii ugu dambeeyey ka geystay saldhig ay leeyihiin ciidamada Maraykanka oo ku yaalla dalka Urdun, waxaana weerarkaas ku dhintay saddex askari oo Maraykanka ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 askari oo kale.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin, ayaa Khamiistii sheegay in aanu Maraykanku u dulqaadan doonin, tallaabooyinka noocaas ah.

Waa markii ugu horraysay ee xoghayaha difaaca ee Maraykanku uu warbaahinta la hadlo, tan iyo wixii ka dambeeyey markii cusbitaalka la dhigay, bilawgii bishii January.

“Waa inaan ka geysanaa gacan ka kulul tii hore” ayuu yidhi xoghaye Austin oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey, waxa keenay in Maraykanku uu la daaho inuu jawaab adag ka bixiyo weeraradii ka badnaa 165 ee lagu qaaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan bariga dhexe, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii October ee sannadkii hore.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa u muuqday inuu meesha ka saarayo hadal ka soo yeedhay, kooxda Kataib Hezbollah, oo ah urur gacan-saar la leh dalka Iran oo ka dagaalama gudaha dalka Ciraaq, kuwaas oo sheegay inay hakinayaan weerarada milateri ee ka dhanka ah ciidamada Maraykanka.

WARARKA