Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Miyeey AS 200 askari ku dishay dagaalkii Caad?

Jimco-02-Feb- 2024-{HMC} Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa war kasoo saaray sheegashada Al-Shabaab ee dagaalkii toddobaadkii hore ka dhacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Gaboobe ayaa beeniyay in kooxda Al-Shabaab ay 200 askari ku dileen dagaalkii Caad, isagoo sheegay in kooxda ay adeegsatay sawirro been abuur ah.

Sawiradda uu beeniyay wasiirka amniga Galmudug ayay kooxda Al-Shabaab ku lifaaqday bayaan ay guul uga sheegatay wixii ka dhacay Caad.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dowladda uu dagaalkaasi kasoo gaaray khasaare kooban oo u badnaa dhaawacyo, balse jabka u xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa guul weyn ka sheegatay dagaalkii toddobaadkii hore ka dhacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug, ayada oo tirada askarta ay dishay ku sheegtay illaa 200.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Galmudug ayaa waxa uu sheegay in dardar xooggan uu ku socda dagaalka Al-Shabaab, uuna caalamka xoojiyey weerarada dhanka cirka ah ee lala bartilmaameedsanayo xarumaha kooxda ee ku yaalla Mudug iyo Galgaduud.

“Waxaa la bur buriyay keydadka hubka Al-Shabaab, waxaana duullaan dhulka ah ay ciidamada ku geli doonaan deegaanada ay hadda ku sugan yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiir Gaboobe oo sheegay inay ku daba jiraan Shabaab-ka firxadka ah, ayna ciidamada isku diyaarinayaan sidii ay usoo afjari lahaayeen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA