Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Nin Xaaskiisa oo Xaamilo ahayd dab qabad siiyay, saakayna ku geeriyootay Magaalada Muqdisho

Jimco-02-Feb- 2024-{HMC} Luul Cabdicasiis oo mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab uu qabad siiyay seygeeda oo ay dhawaan nolasha ku midoobeen.

Luul ayaa saakay ku geeriyootay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay xaaladdeeda caafimaad lagula tacaalayay.

Seygeeda oo falkaan lagu eedeynayo ayaa la sheegay inuu baasiin ku gubay xilli ay ku sugnayd gurigeeda. Lama oga sababta ka dambeysa falkaan, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inay la xariirto arrimo masayr ah.

Hay’adaha amnigu weli wax war ah kamasoo saarin dhacdadaan oo aad looga hadal hayo magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la sheegayo inuu baxsaday seygeeda.

Marxuumadda waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay. Waxay sidoo kale ahayd hooyo kaligeed ku ahayd korinta 6 carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Ninkan falkaan kula kacay ayay dhawaan is guursadeen, waxayna u lahayd uurkiisii ugu horreeyay sida uu HOL u sheegay mid kamid ah dadka ay shaqo wadaagga ku ahaayeen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA