Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

19-shaqaale ah oo la socday markab ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah oo La so Badbaadiyay.

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 19-shaqaale ah oo la socday markab kalluumeysi oo laga afduubtay xeebaha Soomaaliya.

Waa howl-galkii saddexaad ee toddobaadkii hore gudihiisa lagu qabto , kaddib iyadoo ay soo badanayaan weerarrada lagu beegsanayo maraakiibta.

11-qof oo Iranian ah iyo 8-shaqaale Pakistani ah ayaa la socday markabka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada badda Hindia.

Sawirro ay baahiyeen ciidamada badda ayaa muujinayay ciidamada kumaandooska Hindiya oo kor u fuulay markabka, taasoo uu ku xardhan yahay calanka dalka Iran.

Hal sawir ayaa u muuqday mid muujinaya mid ka mid ah afduubayaasha oo gacmaha kor u taagaya oo isa soo dhiibaya.

7-burcadbadeed ah ayaa markii hore la wareegay gacan ku heynta markabka, sida lagu yiri warka kasoo baxay ciidamada badda, kaasoo aan faahfaahin ka bixin in afduubayaasha la hayo iyo in kale.

Waxay ahayd markii saddexaad ee todobaadkii la soo dhaafay ay ciidamada Hindiya qabtaan maraakiib kaluumaysi oo ka babanaya calanka Iran oo aaggaasi ku sugnaa si ay shaqaalahooda uga soo badbaadiyaan afduubayaal Soomaali ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA