Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

AS oo dil iyo afduub ka geystay inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar jid-gal oo kooxda Al-Shabaab ay maanta ka geysatay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabellada Dhexe.

Dagaalamayaal ka tirsan kooxda ayaa jidka u galay gaari Qaad sidat oo ka soo baxay Jowhar una socday Balcad, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare culus oo fan iyo maalba leh.

Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkaas dad kale oo tiradooda rasmiga ah aan weli la xaqiijina nolosha ayey ku wadatay kooxda Al-Shabaab.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga jirka loo galay oo noociisu uu ahaa Caasi ama Home ay AS ku gubeen wadada dhexdeeda, iyagoo dadkii saaraa ka dhigay mid dhintay, mid dhaawac ah iyo kuwo ay nolosha ku wateen.

Kooxda ayaa dadkii ay afduubatay la aaday dhulka howdka ah, wuxuuna weerarkaasi ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Qalimow iyo Ceelka-geelow.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in gaariga oo xawaare sare ku socda ay kooxda AS oo jidka ku jirtay ay ku fureen rasaas sababtay in gaariga uu iskiis u istaago, kadib markii darawalkii gaariga uu ka mid noqday dadka ku geeriyooday rasaasta.

Ilaa hadda ma jirto cid shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay, tirada dadka la beegsaday inta dhimatay iyo inta nolosha lagu watay toona.

Sidoo kale masuuliyiinta maamulka HirShabeelle weli kama aysan hadlin weerarkii ay maanta AS ka geysteen, inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Tan iyo markii ay sanad ka hor dowladda Soomaaliya dagaal culus ku qaaday kooxda Al-Shabaab, waxaa hagaagsanaa amniga wadada muhiimka ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar, waxaana aad u yaraaday cabsidii dadka iyo weeraradii dadka badan lagu leyn jiray ee kooxdu ka geysa jirtay wadadaas.

Hadda waxaa dib u soo laabtay beegsigii kooxda AS ay ka geysan jirtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar, cabsi badan ayaana soo wajahday shacabka adeegsada wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA