Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Booliska oo shaaciyay inuu Muqdisho ka baxsaday Ninkii gubay Xaaskiisa.

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saaray kiiska gabadhii geeriyootay ee dhawaan Ninkii qabay uu ku gubay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Dabakayo madow ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska dowladda ayaa waxaa lagu sheegay inuu baxsaday eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo 26 Jan 2024 gubay xaaskii uu qabay ee Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, taasi oo shalay ku dhimatay Muqdisho.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday inay eedeysanaha ka baadi goobayaan Caasimada iyo Gobolada dalka, halkaasi oo Booliska tilmaamay inuu u baxsaday Sayid-cali Macalin oo si arxan darro ah u dilay, una gubay Marxuumad Luul Shiikh oo Uur laheyd.

“Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday. Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday” ayaa lagu yiri Warka uu soo saaray Taliska.

Sidoo kale hay’addaha amniga dowladda Federaalka ayaa shacabka kunool caasimadda Muqdisho iyo dowlad Goboleedyada ka dalbaday inay xogta eedeysanaha lasoo wadaan barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, si gacanta lagu soo dhigo, una maro cadaalada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA