Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Nabad-galayada oo bilaabay dib u dayactitka Waddooyinka magaalada Muqdisho

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Ciidamada nabad-gelyada waddooyinka magaalada Muqdisho (Traffico) ayaa bilaabay sumadeynta hagaagsan iyo tilaamaha waddo marista , si loo yareeyo shilalka ka dhaca waddooyinka mashquulka badan.

Taliska ciidanka taraafikada ayaa sheegay in sumadeynta waddooyinka magaalada Muqdisho uga gon leeyihiin , sidii wax looga bedeli lahaa habraaca iyo nabad-gelyada dadka iyo gaadiidka waddooyinka mara.

”Tilmaamahaan ayaa wax ka badalidoona is barbaryaaca iyo Nabadgalyada Ummadda iyo Gaadiidka mara wadooyinka Caasimada, sumadeyntan ayaa sidookale sare u qaadi doonta bilicda caasimada oo la jaanqaadeysa caasimaadaha dhigeeda ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska taraafikada.

Laamiyada magaalada Muqdisho ayaana horey u laheyn calaadamo iyo shuruuc kala hagta gaadiidka iyo dadka isticmaala, waxaana waddooyinkaasi ku yar ciidamada nabad-gelyada ,kuwaa oo gelinka hore ee maalintii kaliya lagu arko waddooyinka qaar.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA