Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Laftagareen oo kormeeray baraha ciidanka ay kuleeyihiin magaalada Baydhabo.

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeeray baraha kontorool ee laga ilaaliyo Amniga Magaalada Baydhabo.

Laftagareen ayaa sidoo kale kormeeray Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska oo uu ka dhagaystay Warbixin ku saabsan howlaha Amniga.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay Wasiirka Amniga KGS, Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka, Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Gobolka Baay, Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Waxaa Ciidamada kula dardaarmay inay xoojiyaan Sugidda Amniga iyo ka hortagga falalka al Shabaab, isagoo warbixin ka dhegeystay saraakiisha ku sugan goobahaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA