Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Dhacdo kale oo argagax leh; Nin xaaskiisa ku gowracay degmada Qoryooley, kadibna jarjaray

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh ay ka dhacday degmada Qoryooley ee gobolkaasi, kadib markii nin watay mindi uu gowracay xaaskiisa.

Falkan ayaa si gaar ah xalay maqribkii uga dhacay xaafadda Wadajir ee degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ninka ayaa la sheegay inuu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa, isaga oo gowracay kadibna jarjaray, sida ay muujiyaan sawirro laga soo qaaday marxuumadda oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Sidoo kale waxaa dhacdadan ka warbixiyay saraakiisha ammaanka ee degmada, kuwaas oo sheegay in gacanta lagu soo dhigay eedeysanaha oo isku dayay inuu goobta ka baxsado.

“Mindi ayuu ku dhuftay saddex meelood camal way dhimatay gabadha isbitaal ayaa loola cararay, balse dhex ayay ku geeriyootay” ayuu yiri taliye ku xigeenka Qoryooley.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan ay wadaan baaris dheeri ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, maadaama lasoo xiray eedeysanaha.

“Eedeysanaha waa haynaa waxaan wadnaa baaritaanka, marka berri ayaan jawaabta rasmiga ah ka bixin doonaa dhacdada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waa dhacdadii labaad oo ku aadan arrimo qoys, ayada oo shalay Muqdisho ay ku geeriyootay Luul Cabdicasiis oo uu todobaadkii hore dab qabad-siiyay seygeeda oo la sheegay inuu maseeray, waxayna dhacdadaas ka dhacday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, taas oo illaa hadda taagan, maadaama la raadinayo eedeysanaha oo baxsad ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA