Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Nin Xaaskiisa si arxan darro ah ugu dilay Dagmada Qoryooley.

Jimco-03-Feb- 2024-{HMC} Wararka naga so gaaraayo degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi galabta nin uu si arxan-darro ah ugu dilay xaaskiisa, kaddib khilaaf qoys oo lamaahan soo kala dhax galay.

Sida aan wararka ku helnay ninka gacankudhiiglaha ayaa xaaskiisa dilkeeda u adeegsaday toorey af badan, waxaana la sheegay in dhowr meel oo halis ah uu ninkaasi gabadha tooreyda ugu dhuftay sidaasna ugu geeriyootay.

Ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Qoryooley ayaa si deg deg ah gacanta ugu dhigay ninka dilka geestay, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in la baarayo sababta keentay in ninkaan xaaskiisa gowraco.

Dilkan laga argagaxy ayaa imaanaya xilli maanta la hadal hayay geerida hooyo korsaneysay lix carruur oo agoon ah , hooyadaas ayaana u geeriyootay dab uu qabadsiiyay ninkii iyada qabay una laheyd uur lix bilood ah.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Mahad Cawid” Xildhibaanada qaar waxaa laga dareemayaa Cunqabateynta hubka soo celi”

Sabti 27 July 2024 {HMC}Xildhibaan Mahad Cawid" Xildhibaanada qaar waxaa laga dareemayaa Cunqabateynta hubka soo celi" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaalle ” Wax la Aqbali Karo maaha waxaa ka Jiro Xamar-Weyne.”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Gudoomiye Madaalle " Wax la Aqbali Karo maaha waxaa ka Jiro Xamar-Weyne." HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA