Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

NISA oo sheegtay inay qabatay Sarkaal ka tirsan AS.

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa magalaada Muqdisho ku qabtay sarkaal lagu magacaabo Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud {Muxiyadiin Daqare} oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Qoraal ay NISA soo saartay ayaa lagu sheegay in Muxiyadiin Cabdisalaan oo si wayn loogu raadjoogay lagu qabtay Muqdisho, xili la tilmaamay inuu si qarsoodi ah ku joogay caasimadda, iyada oo markii dambe ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Nabad Sugidda.

Muxudiin Daqare ayaa ka soo howlgalay qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana uu ka soo shaqeeyey gobollada kala ah; Bay, Galgaduud Mudug iyo Shabeelaha Hoose.

Laamaha ammaanka oo gacanta ku soo dhigay ayaa sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan xog ku saabsan sarjaal Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud {Muxiyadiin Daqare} oo ka tirsanaa Shabaab, lana sheegay inuu haatan kamid ahaa Gacanyarayaasha Axmed Diiriye.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku aadan Warka ay soo saartay hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA