Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

War-murtiyeed laga soo saaray shir ay yeesheen DF iyo dowlad-goboleedyada

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa xalay yeeshay shir gaar ah oo ku qabsoomay khadka taleefoonka, kaas oo looga hadlayay arrimaha maaliyadda ee guud ahaan dalka.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka qayb-galay wasiir Biixi Cige iyo wasiirada maaliyadda maamullada dalka.

Inta uu socday shirka ayaa ayaa looga wada-hadlay arrimo badan oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda Dalka maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, kuwaa oo cuuryaamiyay dhaqaalaha Soomaaliya.

Haddaba maadaama dowladda Soomaaliya ay gashay waji cusub oo horumarin dhaqaale ah iyo sanad cusub oo la hiigsanayo meel sare, wuxuu Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cise uu shir muhiim la qaatay Wasiirada Maaliyadda heer Dowlad-goboleed” ayaa lagu yiri war-murtiyeed laga soo saaray shirka.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid uu wasiirka maaliyadda ee dowladda dhexe kula tashanayay wasiiradda maaliyadda ee maamul goboleedyada, si fikirkooda ugu darsadaan waddada cusub ee loo qaadayo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirku wuxuu kala tashanayay fikirka ay ka qabaan waddada cusub ee horumarinta maaliyadda dalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qodobada kale ee laga wada-hadlay waxaa kamid ahaa hannaanka dib u habeynta maaliyadda dalka, mashaariicda horumarineed ee saaxibada caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo hadafka koowaad ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah

Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay dadaal ku bixineysay horumarinta dhaqaalaha, maadaama dhowaan uun laga cafiyay dhammaan daymihii lagu lahaa dalkeenna

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA