Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Xubin ka tirsan AS oo ku dhawaad hal sano ku noolaa Gudaha Dalka Mareykanka oo hada la ogaaday

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC}  Patrick Lechleitner, ku simaha agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Dhaqangelinta Canshuuraha ee Mareykanka (ICE),  ayaa shaaca ka qaaday in xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee dagaalanta Soomaaliya loo oggolaaday in uu si xor ah u dhex noolaado gudaha Mareykanka ku dhawaad sanad kaddib markii laga soo qabtay xuduudka koonfureed ee dalkaas.

Ninkaan oo la sheegay inuu ahaa 27 jir Soomaali ah oo aan la magacaabin, ayaa markii hore lagu xiray meel u dhow San Ysidro 2023, kaddib markii uu si sharci darro ah ugasoo gudbay xaduudka.

In kasta oo ay isla markiiba xabsiga u taxaabeen Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka, ayaa horseeday in markii dambe lagu sii daayo gudaha Maraykanka.

Warbaahinta Maraykanka ayaa qoraysa in ninkan uu ku lug lahaa isticmaalka, samaynta, iyo rarista walxaha qarxa iyo hubka.

Hay’adda socdaalka iyo canshuuraha Maraykanka ayaa markii dambe qaadday tillaabo lagu soo xidhay ninkan 48 saacadood gudahooda ka dib markii warkan uu soo baxay.

Dhacdadani waxa ay dhaleecayn xooggan kala kulantay dadka siyaasadda u dhuun daloola.

“Waa wax aan la aqbali karin in Waaxda Amniga Gudaha ay si qalad ah ugu ogolaatay argagixsadan in uu dalkeenna soo galo isaga oo sii mara xudduudda koonfureed ka dib markii la ogaaday in uu ku jiro liiska argagixisada,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday Aqalka Aqlabiyadda iyo jamhuuriga.

Dowladda Mareykanka ayaa la kulmay kororka shaqsiyaadka ku jira liiska argagixisada ee isku dayaya inay ka gudbaan xuduudihiisa, iyadoo mas’uuliyiintu ay qabteen 172 tuhmane tan iyo sanadkii 2023.

Xaaladdan ayaa hoosta ka xariiqaysa caqabadaha hortaagan ammaanka xuduudaha Maraykanka iyo fulinta socdaalka, gaar ahaan xaaladda argagixisada caalamiga ah.

Bishii Disembar 2023, saraakiisha dalka Costa Rica ayaa waxay xireen Cali Cabdinuur Axmed, oo ahaa Soomaali xiriir la leh Al-Shabaab, waxaana lagu xiray meel u dhow xudduudda dalka Panama.

Sanadkii  la so dhaafay ee 2023, Costa Rica ayaa xirtay oo masaafurisay Luthman Warsame Faarax, oo ahaa wiilka ugu weyn hogaamiyaha sare ee al-Shabaab, kaas oo dalkaas ku joogay aqoonsi been abuur ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA