Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliska oo soo badbaadiyay Cunug yar sabab yaab leh loogu xiray guri ku yaalla degmada Xamarjajab

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bad-baadiyay ilmo yar oo saddex sano jir ah, kaas oo sabab yaab leh loogu xiray guri ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay sidoo kale ka qayb-qaateen ciidamada Dharcadda ee NISA ayaa waxaa lagu soo bad-baadiyay Yuusuf Kulmiye Xasan oo saddex sano jir ah, kaas oo ay hay’adaha amnigu sheegeen in muddo lix saacadood ah lugu xiray guriga ay kasoo dhex saareen.

Sababta halkaasi loogu xiray ayaa waxaaa lagu sheegay dhaqan celin, taas oo noqotay arrin aad loola yaabay.

“Ciidamada Boliiska Saldhiga Degmada Xamar Jajab oo kaashanaya Ciidanka Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka ee NISA, qaybteeda Dharcadka ee Degmadaas ka hawl-gasha ayaa soo bad-baadiyay cunug yar oo 3 sano jir ah oo lagu xiray guri ku yaala Degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Cunuga yar oo lagu magacaabo Yuusuf Kulmiye Xasan ayaa ku xidhnaa mudo 6 saac ah guri lagu sheegay dhaqan Celin”.

Dhinaca kale falcelin xoogan ayaa ka dhalatay falka lagula kacay wiilkan yar, waxaana qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ay soo jeediyeen in lasoo xiro dadka gaystay falkaasi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA