Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka xoogga oo howlgal lagu burburiyay fariisimo ay lahaayeen AS

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka fuliyay degaano dhaca bariga gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamada ka sameyeen deegnada kala ah Bacadka Digireed, Joqofoow, Dahar Faqay, Cali Yabaal, Isgooska Xeydoow, Galka Dhaaleey, Xaaji dhagax, Maraayga Sodonka, halkaa oo khasaaro lagu gaarsiiyay Shabaabka.

Sareeye Gaas Cali Caraaye Cosoble Gacma Dulle, ayaa tilmaamay oo kamid ahaa sarakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in sidii loogu talagalay uu u dhacay howlgalka.

Howlgalada intii ay socdeen ayaa lagu burburiyay fariisimo dagaalamayaasha ay ku lahaayen deegaanadaasi sidoo kale Ciidmada ayaa soo furtay Agabyo milatari, waa sida hadalka u dhigeen saraakiil u hadlay Taliska ciidanka xoogga.

Si kastaba, maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaano dhaca koonfurta Gobolka Mudug iyo Galgaduud ka dhacayay howlgal isugu jiray Duqeyn diyaaradeed iyo dagaal toos ah oo dhexmarayay ciidanka xoogga iyo Al-Shabaab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA