Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dad ka badan 50 ruux oo ku naf waayey dab ka kacay dhul keymo ah.

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Dab ka kacay kaymo ku yaala bartamaha dalka ku yaala Laatin Ameerika ee Chile ayaa waxa ku dhintay 51 qof, iyadoo ay kordhi karto tirada dhishamada sida laga soo xigtay masuuliyiinta wadankaasi Sabtidii.

Dabka ayaa laga baqayaa in uu ku fido magaalooyin ku dhawdhaw dhulka kaymaha ah ee gubanaya, waxayna kooxaha dambka damiya ku dadaalayaan in la xakameeyo si looga baaqsado in uu gaaro magaalooyinka.

Qiiq madow ayaa hawada isku shareerray qaybo badan oo kamid ah gobolka Falbaraasiyo oo ay ku nool yihiin ku dhawaad hal milyan oo qof kaas oo ku yaala bartamaha Jili.

Goobbaha ku xeeran magaalo xeebeedka loo tamashlaha tago ee Fina Del Mar ayaa kamid ah meelaha sida ba’an u saameeyay dabku, waxana dadka wax samatabixiya ku adag in ay gaaraan goobbaha ugu daran, sida ay sheegayaan masuuliyiinta Jili.

Tirada dhimasha ayaa kor u kacday kaddib markii 5 mayd laga helay wadada, waxayna warbixinadu muujinayaan “Waxaan gaari doonaa tiro intaas ka badan” saacadaha soo socda, sidaas waxa yiri Wasiirka Arimaha Gudaha ee Jili Karolina Taha.

“Xaaladda gobolka Falbaraasiyo waa tan ugu nugul,” ayuu yiri Taha, wuxuna intaa ku daray in wadanku wajahayo musiibadii ugu xumeyd tan iyo 2010-kii markaas oo dhulgariir ku dhuftay Jili ay ku dhinteen 500 oo qof.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA