Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo Baarlamaanka ka raadinaya Xaquuqda Matalaada G/ Banaadi

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa kulan kula qaatay xarunta Villa Hargeysa, guddiga amniga iyo arrimaha gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horreyn guddiga warbixin dhameystiran ka siiyay xaalada Muqdisho iyo howlaha shaqo ee maamulka, waxa uuna sidoo kale kala hadlay qorshaha dhameystirka Dastuurka dalka oo xuquuqda matalaad ay ugu maqan tahay shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu baaqay dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo muhiim u ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Gobolka Banaadir ayaan matelaad rasmi ah ku laheyn Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in madaxweynihii hore ee dalka uu ansixiyay in gobolka Banaadir matelaad rasmi ah ku yeesho Baarlamaanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA