Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka & Ingiriiska ayaa duqaymo ka fuliyay 30 goobood oo ku yaalla Xuutiyiinta Yemen,

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Mareykanka & Ingiriiska ayaa duqaymo ka fuliyay saaka waaberigii bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen, iyago sheegay iney beegsadeen in ka badan 30 bartilmaameed oo ku yaal 13 goobood, sida ay saraakiishu sheegeen.

Mareykanka iyo UK ayaa duqeyntan fuliyay iyagoo taageero ka helaya dalal kale oo dhowr ah, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah.

“Weerarka maanta waxa uu si gaar ah u bartilmaameedsaday goobo xiriir la leh Xuutiyiinta sida xarumaha lagu kaydiyo hubka, nidaamyada gantaalada iyo nidaamka difaaca hawada, iyo raadaarka,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen Mareykanka, UK, Australia, Bahrain, Canada, Denmark, Netherlands iyo New Zealand.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo UK ay duqeeyeen gobollo badan oo ka tirsan Yemen oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

Labo ka mid ah maraakiibta wax burburisa ee Mareykanka ayaa riday gantaalada Tomahawk oo qeyb ka ah duqeymaha, sida uu sarkaal Mareykan ah u sheegay CNN. Diyaaradaha dagaalka ee USS Gravely iyo USS Carney ayaa riday gantaalada nooca Cruise missiles.

Mareykanka oo raadinaya inuu ka fogaado dagaal goboleed lala galo Tehran, si toos ah uma bartilmaameedsan Iran, taas beddelkeeda wuxuu beegsaday qaar ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan ee gobolka. Waa hab aan toos ahayn oo la isku dayayo in fariin loogu diro hoggaanka Iran, taasoo sii kordhineysa welwelka ku aaddan ficillada qaar ka mid ah ururada xagjirka ah ee ay taageerto.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA