Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wajiga labaad ee qorshaha dhimista ciidanka ATMIS oo la soo gebagebeeyey

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} ATMIS ayaa sheegtay iney si guul ah ku soo gebagebeysay Wajigii Labaad ee qorshaha dhimista ciidamada Midowga Afrika ee jooga Somalia

ATMIS ayaa xustay in todoba Saldhig oo ay ka baxeen ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in wejiga labaad ee qorshaha dhimista ciidamada dalka looga saaray illaa 3000 kun oo Askari kuwaasoo ka baxay xarumo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Dhinaca kale, Madaxa Guddiga Midowga Afrika (AUC) ee maaraynta khilaafaadka, Dr. Alhadji Sarjoh Bah, ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo shan maalmood qaadatay oo uu ku joogay Soomaaliya. Wuxuu hogaaminayay wafdi heer sare ah oo ka socday Waaxda Siyaasadda, Nabadda, iyo Amniga oo uu ka mid ahaa madaxa cusub ee loo magacaabay Qeybta Howlgallada Taageerada Nabadda (PSOD), General Cheick Dembele.

Waxyaabaha diiradda lagu saarayey booqshada ayaa waxaa ka mid ahaa in la qeexo qaababka loogu wareejinayo mas’uuliyadda amniga ee ATMIS oo si aan kala go ‘lahayn loogu wareejinayo ciidamada amniga Soomaaliya.

Wafdigan ayaa markii ay Sabtidii soo gaareen Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Maxamed El-Amine Souef; Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cali Cumar Balcad; Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daud Aweis; iyo kooxda hogaanka ATMIS.

Waxaana ay kulamo muhiim ah la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan DFS. Waxay la kulmeen Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Gaani iyo La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali. Waxa kale oo ay la kulmeen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, saaxiibo caalami ah, Safiiro ka socday dalalka ATMIS ee ciidamada ku deeqay, iyo wakiilo ka socday bulshada rayidka ah.

Waxay dib u milicsadeen casharadii laga bartay labada weji ee koowaad iyo labaad, wejiga saddexaad ee soo socda ee Juun 2024, kaas oo u baahan in la dhimo 4,000 oo askari, iyo wejiga xiga ka dib ATMIS wuxuu dhammaanayaa 31ka Diseembar 2024.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA