Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

X. Golaha Shacabka oo Berrito kulan xasaasi ah yeelanaya.

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maalinta berri oo Isniin ah lagu wadaa in kulan xasaasi ah ku yeeshaan Xarunta ay ku shaqeeyaan Xildhibaanada ee Villa Hargeysa oo ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyada.

Ajendaha kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ah arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, sida lagu sheegay farriin loo diray Xildhibaannada oo loogu wargelinayay ajandaha kulanka berri oo taariikhdu tahay 5 February 2024.

Farriinta loo diray Xildhibaanada laguma caddeyn in kulan uu Madaxweynaha Jamhuuriyradda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ka soo qeyb galayo iyo in kale, maadaama looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Kulankan ayaa sida la aaminsan yahay jawaab u ah gogosha siyaasadeed ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo marxaladaha siyaasadeed ee dalka ka soo cusboonaaday, kaasoo lagu martiqaaday Madaxda DFS, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Madaxdii hore….

Baarlamaanka labada Aqal ayaa waxaa horyaala Wax ka bedelka dhameystirka Dastuurka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo bisha March, kaddib markii 24 bishan January 2024 qaab uu muran ku jiro loo ansixiyay Habraaca wax ka bedelka Dastuurka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA