Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Koox burcad badeed ah oo isku diyaarinayay inay weerar qaadaan oo La qabtay

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Ciidamada Puntland oo howlgal ka sameeyay degaanada xeebaha gobolka Bari ayaa gacanta kusoo dhigay koox burcad badeed ah oo abaabulayay inay falal burcad badeednimo ah ka geysteen xeebaha degaanada Puntland.

Saraakiisha ciidamada Booliiska ayaa soo bandhigay hub, saad iyo doon ay kooxdaan doonayeen inay badda ku galaan si ay u weeraraan maraakiibta ganacsiga iyo doonyaha kalluumaysi ee isicmaala xeebaha Puntand.

Kooxdan lasoo qabtay oo ka koobnayd saddex nin ayaa la sheegay in la horgayn doono sharciga, si loogu qaado dambiyadooda burcad badeednimo. Welise lama xaqiijin inay horey u geysteen falal burcad badeeednimo.

Qabashadooda ayaa kusoo aaday xilli maamulka Puntland uu dhawaan xeebaha ka hirgaliyay ciidamo la dagaalama burcad badeedda muddooyinkii ugu dambeeyay ka dambeeyay qafaalashada maraakiibta iyo doonyaha ganacsi.

Qaar kamid ah bucad badeedda ayaa u gacan u galay ciidamada shisheeye ee ka howgalla xeebaha Soomaaliya.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA