Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Guddoomiye Madaale oo Culumaa’udiin Dibadda ka yimid kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Muqdisho

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kulan soo dhaweyn ah u sameeyay culuma’udiin Soomaaliyeed ee isaga kala yimid wadamada Bariga Afrika, kuwaas oo u taagan faafinta diinta Islaamka.

Culumadan tabliiqa ah oo Muqdisho u yimid in ay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka ayaa waxaa hogaaminaayay Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuutaawi) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Jigjiga.

Munaasabada soo dhaweynta ah ee loo sameeyay culumaa’udiinkan Soomaaliyeed ayaa laga jeediyay khudbado u badnaa soo dhaweyn iyo u mahad-celin culumada Soomaaliyeed ee u taagan fidinta iyo faafinta diinta Islaamka.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka , taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, guddoomiye Ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA