Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

La taliyihii raysal wasaare Abiy Ahmed oo ka baxsaday Dalka Itoobiya.

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Gedu Andargachew Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya, markii dambena ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa wararku sheegayaan inuu si qarsoodi ah ugu goostay dalka Belgium, wararka ayaa ku waramaya in Gedu uu ku qasbanaaday in uu isticmaalo Baasaboor Diblomaasi ah.

Bishii hore, waxaa la sheegay in Gedu uu ku jiro xabsi guri tan iyo markii uu ka soo horjeestay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay gobolka Amxaarada ee Itoobiya bishii Agoosto 2023.

Wuxuu si kulul uga hadlay baarlamaanka Itoobiya bishii Agoosto 2023 markaas oo uu sharraxayay sababta tallaabo militari oo ka dhacday gobolka Axmaarada aysan u xallin dhibaatada gobolkiisa Amxaarada ka jirtay.

Markii hore, xukuumadda Abiy Axmed waxay qorshaysay inay ku soo gebagebeyso hawlgallada milateri ee gobolka, sida la sheegay, laba toddobaad gudahood. Si kastaba ha ahaatee, muddada lixda bilood ah ee xaaladda degdegga ah ayaa dhammaatay ka hor intaanay dawladdu gaadhin hadafkii ay sheegtay.

“Faano hub ka dhigis iyo nabad laguma soo celin lix bilood ka dib. Jimcihii la soo dhaafay, baarlamaanka Itoobiya ayaa kordhiyey xaaladda degdegga ah afar bilood oo kale.

Mr Gedu Andargachew ayaa muddo dheer madaxweyne ka soo ahaa gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya. Waxa kale oo uu ahaa xubin saamayn ku leh kooxda u suurtogelisay Abiy Axmed in uu awoodda dawladda ku qabsado majaro siyaasadeed oo daahsoon oo ka dhex jiray xisbigii burburay ee Ethiopia People’s Revolutionary Democratic Front *EPRDF).

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA