Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xamaas oo diiday Heshiis Xabbad-joojin iyo Maxaabiis is dhaafsi ah

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Waxaa socda dedaalo mar kale lagu doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lakala dhax dhigo kooxda Xamaas iyo ciidamada Israa’iil, sidoo kale mar kale labada dhinac is dhaafsadaan maxaabiista ay kala heestaan qaarkood.

Hoggaanka sare ee kooxda Xamaas ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay diideen qorshaha xabbad-joojinta KMG iyo maxaabiis is dhaafsiga, waxa ayna xubnahan sheegeen in ay sii wadi doonaan iska caabinta ciidamada Israa’iil.

Xamaas ayaa si cad u sheegay in aysan jiri doonin wax heshiis ah oo ku saabsan maxaabiista ku xiran magaalada Qasa, haddii aan la helin dammaanad adag oo lagu soo afjarayo duulaanka Israel.

Dagaallo culus iyo duqeymo ayaa wali ka socda magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana dagaalka socda khasaaro xooggan kusoo gaaray ciidamada Israa’iil, iyadoona shalay dagaal dhacay askar looga dilay kuwa kalana looga dhaawacay.

Dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil ayaa socda muddo shan bil ah, waxaana dagaalkan lagu dilay in ka badan 24-kun qof oo shacab Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 1300-qof oo Israa’iiliyiin ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA