Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

xildhibaankii shaqada geeyey ninkii gubay xaaskiisa oo war culus ka soo saaray qabashada edaysanaha

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ahaa xildhibaankii shaqada geeyey oo damaanadiisa uu magaalada Muqdisho ku joogay ninkii xaaskiisa gubay ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayo soo qabashada ninkaas.

Xildhibaanka ayaa ugu horeyn muujiyey inuu aad u rabay in lasoo qabto eedeysanaha, si cadaaladda loo hor-geeyo, wuxuuna u mahadceliyey ciidamada ammaanka.

Si gaar ah ciidamada hey’adda NISA ayuu sheegay xildhibaanku inuu kalsooni badan ku qabay inay ninkaas soo qaba doonaan, iyagoo kaashanaya dadka deegaanka oo taageersanaa in la qabto gacan ku dhiiglahaan loo heysto dilkii xaaskiisa.

“Waxaan bogaadinayaa Hay’addaha Amniga oo ugu horeyso Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid-Cali Macallin Daa’uud iyo bulshada deegaanka oo ku kaalmeeyay Hay’adaha Amniga soo qabashadia eedeysanahaas,” ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kalsooni badan uu ku qabay in beeshiisa aysan qarsa doonin ninkaan baxsadka ah, isagoo sheegay in marxuum Luul ay cadaalad heli doonto.

“Waxaan mar waliba kalsooni buuxda ku qabay waxgaradka beesha reer Xaaji Saleebaan ineysan eedeysanaha ka dhashay aysan gadaal marsan doonin waana uga mahadcelinayaa, sidoo kale Hay’adaha Amniga oo har iyo habeenba ku hawlanaa inay cadaalad hesho walaashey Luul Cabdicasiis, Rabbi ha u naxariistee,” ayuu yiri Saabir Shuuriye.

Sidoo kale xildhibaan Saabir ayaa qoraalkiisa ku sheegay in soo qabashada ninkaan ay xigi doonto, baaris ay ku sameynayaan hey’adaha amniga, iyadoo kadibna loo gudbi doono hey’adaha garsoorka, si cadaaladda loo marsiiyo.

“Waxaan kaloo ku kalsoonahay in Hay’adaha Amnigu fulinayaan tallaabooyinka xiga khuseeya baarista fal-dambiyeedka uu eedeysanuhu ku eedeysan yahay lana horgeyn doono Hay’addaha Garsoorka si loo marsiiyo cadaaladda loogana xaqsooro arxanlaawenimadii uu nolosha Luul uu u geystay,” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ninka xaaskiisa gubay ku metelay baarlamaanka.

Galabta ayaa ninkaas lagu qabtay koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Goryaale oo dowladdu aysan maamulin, AS aysan joogin, hadafkiisuna wuxuu ahaa inuu cadaaladda ka baxsado, raggii soo qabtay ayaa warbaahinta xaqiijiyey inuu gacmaha ka gubtay oo dhaawac daran uu qabo.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA