Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Baadari dadkii ku Xirnaa ka dhacay ku dhowaad Hal milyan oo Doolar.

Talaado, 6-Feb- 2024 {HMC} Baadari u dhashay dalka Nigeria ayaa loo xiray eedeymo ah inuu si been abuur ah dadka fara badan uga dhacay lacagtooda, sidda ay ku warantay saxaafada maxaliga ah.

 

Theo O Ebonyi oo si weyn looga yaqaanay gobolka Benue ayaa lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay taageerayaashiisa iyo kuwa kale lacag ka badan 1.3 bilyan oo naira ($930,000; £740,000).

 

Baadarigan lagu magacaabo Ebonyi ayaa waxa la xiray laguna sii daayay dammaanad sannadkii hore, hase ahaatee, eedeymaha waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay todobaadkan aynu ku guda jirno.

 

Hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa Afhayeen u hadlay ayaa Sheegay in Baadari Ebonyi uu qof walba oo kamid ah dadka uu dhacay ka qaatay $1,300 isaga oo u sheegay in ay ka badan helayaan.

 

Mr Ebonyi ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid “been abuur ah” oo ay faafiyeen dadka wax ku qora baraha bulshada. Hase ahaatee, ma uusan ka hadlin eedeymaha loo jeediyay.

 

Dalka Nigeria ayaa kamid ah wadamadda ku yaalla qaaradda Afrika ee ay Baadariyiinta ku dhacaan dadka ugu badan iyaga oo adeegsanaya farsamooyin badankooda ah indho-saracaad baahsan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA